Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Kulmiye Oo Madasha Soo Galay iyo Baashe Moorgan Oo Dhex Fadhiistay Golaha Wasiirrada
Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)- Shirweynihii Saddexaad Ee Xisbiga Kulmiye ayaa diyaar u ah in la furo, waxana Goobta Haatan soo galay Madaxweyne Siilaanyo oo ay hareero socdaan Golihiisa wasiirrada iyo Madaxda Sare ee Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxa haatan Goobta ay wasiirradu fadhiyaan isaguna dhex fadhiya Wiilka uu madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Baashe Cumar (Morgan).
Baashe ayaa si kedis ah loogu arkay Golaha Wasiirrada dhexdooda, waxana uu kala dhex fadhiyaa Wasiirrada Duulista Hawada iyo Wasiir-ku-xigeenka Amniga.
Madaxweynaha ayaa sacad iyo soo dhaweyn ballaadhan ka helay Xubnaha shirka fadhiya, waxase ay dadka Goobta fadhiyaa is weydiinayaan sababta uu Baashe Cumar u dhex fadhiistay Golaha Wasiirrada oo iyaga meel gaar ah loogu talay.
Baashe iyo wasiirrada uu ag fadhiyo ayaa wada sheekaysi iyo kaftan badani dhex marayaa, waxana ay u muuqdaan kuwa ay wada shaqayni ka dhexayso oo hawlaha qaranka ka wada Hadlaya.
Lama garan karo sababta uu Baashe Cumar u fadhiisan waayey Goobaha dadka kale ee Martida ah loogu talay ee uu dhex fadhiistay Golaha Wasiirrada, waxase ay tani u muuqataa inuu yahay xubin ku dhex milantay Madaxtooyada, sidaa darteedna waxa uu isku arkaa inuu ka mid yahay Golaha wasiirrada ee uu dhex fadhiyo.
Wixii warar ah ee shirkan ku soo kordha kala soco qurbejoog.com
SDN/QJ-Hargeysa