|

“Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Midkoodna Ma Faragalin karo Shirka Beesha Sacad Muuse” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.Aug 2013 (SDN)- Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si kulul u beeniyey in khilaaf uu soo kala dhexgalay iyaga iyo xukumada somaliland, Gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi kadib markii ay soo baxeen Tuhuno sheegaya inay isku maandhafeen Shir ay Beesha Sacad Muuse qabsanayso .

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo Maanta Warfidiyeenada la hadlayay ayaa Cadeeyay in Warkaas iyo Cidii faafisayba ay yihiin kuwo baalmarsan Sharciga Saxaafada isagoo Sheegay in aanu Jirin Warkaasi isla markaana aanu Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Midkoodna faro galin karin Shirkaas ay Beesha Sacad Muuse Qabsanayso.

Guji Halkan Si aad Mobilkaaga uga dhagaysato Hadalka Xoghayaha Guud
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XasanSiciidY(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed