|

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Cirro Oo Odayeyn Dheer Ka Dib Qasriga Madaxtooyada La Ikugu Keenay Iyo Nuxurka Wada Hadalladooda

Hargeysa:19-Dec-2013(SDN)-Waxa markii ugu horraysay taariikhda tan iyo intii khilaafku soo baxay  kulan fool-ka-fool ah yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

gud gudKulankan oo Maalintii shalay dhacay ayaa wax aka Odayeeyey Gudddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Oday Xaaji Cabid Xuseen (Cabdi waraabe) oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba ku Hawllanaa sidii ay khilaafka xukuumadda iyo Shirkguddoonka soo dhex galay meesha uga saari lahaayeen.

 

Sida ay Noo sheegeen ilo xogogoaal ah oo kulankan u dhuun daloolaa, waxa halkaas ka dhacday Dood dheer oo dhex martay madaxweynaha iyo Guddoomiye Cirro, iyadoo Madaxweyne Siilaanyona Cirro kula kaftamay inaanu ka filaynin inuu shir talo qaran ah u hanqaltaagin, balse cirro ayaa la sheegay inuu Hadalkaas kaga Fal Celiyey in kala daadsanaanta iyo kala qoqobnaanta Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridku keeneen in arrintaas lagu baaqo.

 

Ugu dambaynta sida la sheegay kulankan ayaa looga jeeday in marka hore la isku hor fadhiisiyo madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Wakiilladda si loo abuuro jawi saamixi kara in mar dambe la isku yimaaddo oo wixii caqabado ah looga wada hadlo, waxana lagu kala tegay in kulamo dambe la iskugu iman doono, iyadoo uu Guddoomiye Cirrona dhinaciisa ka ballan qaaday inaanu marnaba faraha la gelaynin wax laf jab ku ah xukuumadda, halka uu madaxweyne Siilaanyona Ballan qaaday inaan xukuumaddu u heellanayn ka xayuubinta kursgiisa Guddoomiye-nimo.

 

Guddoomiye Saleebaan iyo Xaaji Cabdi waraabe ayaa iyagu muddooyinkii ugu dambeeyey dedaal ugu jirey inay yareeyaan khilaafka xukuumaddu udub dhexaadka u tahay ee shirguddoonka dhex galay, waxana ay hore wada hadalo uga dhex abuureen Guddoomiye Baashe iyo Cirro, iyadoo uu kulankanina ka dambeeyey kadib markii uu Guddoomiye Cirro sheegay in khilaafka Shirguddoonku salka ku hayo Madaxtooyada.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed