Madaxweyne Siilaanyo: Hogaamiye Qadiyadii Somaliland Gaadhsiiyay Heer Caalami
Waxay ahayd 18 kii Bisha May ee sanadkii 1991kii markii ay dadweynaha reer Somaliland go’aansadeen inay Madaxbanaanidoodii dib ula soo noqdaan ka dib markii ay ku hungoobeen Midnimo ku sheegtii burburka horseeday ee ay xorriyadoodii ku hibeeyeen si loo helo wixii loo yaqaanay Shantii Soomaaliyeed, iyaga oo midowgaas kala kulmay taariikhdii ugu madoobayd uguna dhibta badnayd ee ay waligeed reer Somaliland soo mareen. Waxay ahayd taariikh aad u qadhaadh oo aan maskaxda bed qabtaa maranaba ilaawi karin, midnimo ku sheegtii waxay umada reer Somaliland u horseeday Xasuuq, Burbur iyo cidhib tir lagula kacay umadii xorriyadooda hibaysay ee Soomaali weyn in la helo ka door biday inay dal gaar ah noqdaan. Dhib kasta oo ummada reer Somaliland la soo mariyay Allah ayaa is garab taagay, waxaana uu ku guuleeyay dagaalkii qadhaadhaa ee ay la galeen dawladii dooxata ahayd ee uu hogaaminayay kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana umadii reer Somaliland ay mar kale u dabaal degeen guushii balaadhnayd ee ay calanka Somaliland ee tawxiidka leh uga dhex taageen Jamhuuriyada Somaliland, calankaas oo ay hubaal tahay in aanuu marnaba dagayn inta uu aadmigu dunidan guudkeeda joogo.
21kii sanadood ee la soo dhaafay waxa ay xukuumadihii Somaliland ee kala danbeeyay aydhamaantood baadi goob ugu jireen sidii Qarankeena aqoonsi caalami ah loogu heli lahaa, waxaana xukuumad kastaa ay u maraysay dariiqyo kala duwan habkii aqoonsigaas lagu heli lahaa, in kasta oo aanay midho dhal noqon dedaaladoodu.
Hadaba Markii uu talada dalka Somaliland hogaanka u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo waxa uu fikir aad u balaadhan iyo dib u eegis aad u qoto dheer ku sameeyay dariiqyada u banaan ee Somaliland ay aqoonsiga u marayso, waxa uu eegay nidaamkii raadinta aqoonsiga ay u marayeen xukuumadihii ka horreeyay, waxaa sidoo kale uu daraasad qoto dheer ku sameeyay taariikhda ay aqoonsiga u mareen dalal badan oo aynu isku taariikh dhow nahay, waxaa kale oo la tashiyo balaadhan uu la sameeyay khuburo kala duwan oo caalami ah iyo aqoonyahanka dalka gudihiisa ku sugnaa, waxa uu markaas madaxweyne Siilaanyo oo kaashanaya Wasaarada Arrimaha Dibada uu jeexay dariiqa ay u marayso Somaliland Aqoonsigeeda kuna hanan karto kalsoonida caalamka, waana siyaasada cad ee ay maanta ku shaqaynayso Wasaarada Arrimaha Debada ee Jamhuuriyada Somaliland oo durba natiijooyin guulo badan soo hoysay mudada labada sanadood ku siman ee ay xukuumadani jiray.
Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ka duulaya danta Qarankeena, xoojinayana wada jirka bulshadeena waxa uu la tashiyo joogto ah la sameeyay Xisbiyada Mucaaridka ah, Golayaasha Sharci Dejinta iyo dadweynaha reer Somaliland taasoo aanay hore u samayn jirin Madaxweynayaashii ka horreeyay, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo si faahfaahsan bulshada ugu sharraxay faaiidada Somaliland ugu jirta inay ka qayb gasho shirarka caalamiga oo aanay Somaliland hore uga qayb galin jirin, soo jeedintii madaxweynaha ee ahayd ka qayb galka shirkii London ee arrimaha Soomaalida lagaga hadlayay 23kii bishii labaad ee sanadkan 2012kii oo la ajiibay ayaana keentay guushii ugu balaadhnayd ee ay abid Somaliland ka gaadhay dhinaca siyaasada arrimaha debada. waxaana shirkaasi uu fure u noqday in Qadiyadii Somaliland ay hor timaado fagaarayaasha Caalamka, waxaana Somaliland ay ka baxday go’doon siyaasadeed oo ay ku jirtay tan iyo intii ay madaxbanaanideeda la soo noqotay.
Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiyihii ururkii SNM oo muddo dheer aqoon iyo waayo aragnimo u lahaa la macaamilka dunida, soona hogaamiyay Jabhadii keentay xorriyada Somaliland,waxa uu geed dheer iyo mid gaabanna u fuulay sidii uu Qaranka Somaliland ugu keeni lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana mudada labada sanadood ah ee uu xukunka dalka hayay ku talaabsaday guulo balaadhan oo dhinaca siyaasada debada, dhaqaalaha iyo horumarinta dalka ah.
Wada Hadalada Somaliland iyo Soomaaliya
Hubaal waxaa ah in ay tahay talaabo haboon oo xiligii loogu talo galay timi in si fool-ka fool ah ay Somaliland u waajahdo reer Soomaaliya oo muddo Sodan sanadood ah aynu isku dawlad ahayn, waxay ahayd mid lagama maarmaan ah in reer Soomaliya loo sheego rabitaanka dadweynaha reer Somaliland oo ah in Madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid muqaddas ah oo aan gorgortan gali karin, sidoo kalana loogu caqli celiyo dadweynaha iyo dawlada Soomaaliya in Madaxbanaanida Somaliland aanay dheef mooyee wax dhib ah u lahayn reer Soomaaliya.
Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ogsoon rabitaanka dadweynihiisa, kana war haya aftidii sanadkii 2001 dalkeena ka dhacday ee 97% ay u codeeyeen Madaxbanaanida Somaliland, iyada oo madaxweynaheenu uu maanka ku hayo dariiqii dheeraa iyo halgankii qadhaadhaa ee uu usoo maray halgankii uu hogaaminayay ee xorriyada Somaliland lagu dhaliyay, ayuu Madaxweyne Siilaanyo madal furan oo warbaahinta caalamku joogto, madaxda carbeedna ay ku sugnayd uu Sheekh Shariif ugu hor sheegay in Madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, laakiin reer Somaliland ay diyaar u yihiin inay reer Soomaaliya gacan siiyaan kalana shaqeeyaan arrimaha danta u ah labada shacab.
Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiye caan ah oo ay caalamku si weyn u yaqaanaan una tix galiyaan waxa uu qadiyada Somaliland gaadhsiiyay heer aanay waligeed gaadhin, waxaana soo afjarmay go’doonkii siyaasiga ahaa ee ay Somaliland hore ugu jirtay, taasoo ku timi fikirka cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo la yimi si uu shacbiga reer Somaliland ugu horseedo inay helaan Aqoonsiga ay mudada dheer sugayeen, Waxaana soo muuqda oo soo ifiya Aqoonsigii ay ummada reer Somaliland mudada dheer sugayeen, waxaana aynu imika cagta saarnay tubtii saxda ahayd ee Aqoonsiga lagu gaadhi lahaa, iyada oo durba waddamo badan oo dunida ku yaalaa ay bilaabeen inay xafiisyo ka furtaan gudaha Somaliland, wadamadii carabta ee dayrka adag uu inagaga xidhnaana ay imika fahmeen qadiyada xaqa ah ee Somaliland iyaga oo xidhiidho badan la soo sameeyay xukuumada Somaliland.
Ugu danbayn Xukuumada ku meel gaadhka ah iyo shacbiga reer Soomaaliya waxaa la gudboon in damiirkoodu uu shaqeeyo oo ay xasuustaan dhibtii ay reer Somaliland soo mariyeen iyo dhagartii ay ka galeen shacbigii calankooda Muqdisho ugu keenay, waxaa laga sugayaa oo ku waajib ah inay geesinimo la yimaadaan oo ay walaalahooda reer Somaliland u baarikaan una haneeyaan Madaxbanaanidooda, sidoo kale waxaa haboon inay fahmaan in magdhowga kaliya ee reer Somaliland ay ka doonayaan reer Soomaaliya uu yahay inay Aqoonsadaan xorriyada Somaliland, taasi oo qudha ayaa daawo ka noqon karta oo yaran karta cadhada ay reer Somaliland ka qaadeen xasuuqii ay Soomaaliya kula kacday dadweynaha reer Somaliland sodonkii sanadood ee shuraakada lagu ahaa Soomaaliya. Iyada oo ay haboon tahay inay ku qancaan in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay Qaran isku kalsoon oo leh Awood Siyaasadeed, Awood Dhaqaale iyo Awood Millatari oo ay ku difaacaan xorriyada Somaliland oo loo soo maray wado dheer oo dhiig leh.
Danjire Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Safiirka Wareega ee Somaliland