Madaxweyne Siilaanyo Hanjabaad Kulul Hawadda U Mariyay Dhigiisa Somalia
07,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa Khudbadiisii Sannadlaha ahayd ee uu Maanta Ka Jeedinayay labada Gole Barlamaan (Wakiiladda Iyo Guurtida),waxa uu Hanjabaad Warbaahinta u mariyey Madaxweynaha Somaliya ,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Nin Siyaasaddu u Cusub tahay,Kuna Tilmaamay Inan yar oo siyaasada Barbarad ku ah. “Ninka Madaxweynaha ka ah Somaliya waa Inan yar oo siyaasada ku cusub, waxa xidhiidh ah oo na dhex maray ma jirto, Xududaha Somaliland Awood aanu ku difaacno waanu leenahay.”Ayuu Yidhi Siilaanyo.
Hadalkan Madaxweynaha ee Maanta,ayaa daba socday Hadal Hore uga soo yeeshay Madaxweynaha Somalia oo ku aadanayd Talaabadii Ciidamadda Qaranka Somaliland ay kaga soo baxeen Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool oo uu Xasan Sheekh,uu sheegay inuu kaalin ku lahaa Ka bixitaankii Milatariga Somalialand ee Magaaladda,isaga oo intaas ku ladhay inuu Gudanayay Waajibka Xukuumadiisa Nabadaynta Dalka sida uu hadalka u dhigay.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com