Madaxweyne Shariif:Beesha Caalamku Daacad kama aha la dagaalanka Burcad Badeeda
Dubai June 28,2012(SDN)-Madaxweynaha DFKMG ah ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa mar uu saxaafada kula hadlay goobta uu shirku ka socdo waxa uu dhaliilay sida caalanku uga meer meeryo in burcada lagula dagaalamo beriga.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in tiraba dhawr jeer ay caalamka u soo jeediyeen in la unko ciidamo si gaara ula dagaalama Burcada balse laga hoos qaadi waayay.
“Caalamku waxa uu lacago badan ku bixiyaa la dagaalanka Burcada,balse ma doonayaan in ay ciidan Soomaaliyeed oo beriga kala dagaalama Burcada”.ayuu yidhi Shariifku.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara u carabaabay dalka Mareykanka oo ay dhwr jeer kala hadleen baahida loo qabo ciidan gaara oo Burcada wejahda.
“Waxa ay ka walaacsan yihiin in lacagaha la lunsado,waxaana u sheegnay in iyagu mashruuca hagaan oo mushaharada bixiyaan,nalamana dhegeysan.”ayuu mar kale yiri madaxweyne Shariif.
M a aha markii u horeeysay ee masuuliyiinta DFKMG ahi soo hadal qaadaan sida aaney Caalamku daacad uga aheyn xal u helida arirnta Burcada.
Mana aha kolkii u horeeysay ee laga dhawaajiyo werwerka lunsashada aduunka loogu yabooho wax ka qabashada xaaladaha dalka.
SDN-Dubai
contact@somalidiasporanews.com