Madaxweyne Obama oo Xayiraad Cusub ku soo rogay Ruushka iyo Eedayn uu u Jeediyay
Washington 17.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Obama ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Maraykanku ay xayiraad cusub ku soo rogayso dawladda Ruushka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku eedeeyay Russia inay xad-gudub ku samaysay qaranimada dalka Ukriane , isla markaana aysan tallaabooyin haboon ka qaadin qalaalqasaha ka oogan xadka u dheexaya Ukraine iyo Ruusia.
Xayiraaddan cusub ayaa saamayn doonta qaybo ka mid ah shirkadaha dhinaca maaliyadda iyo gaashaandhiga ee Russia waxaana ka mid ah xayiraad lagu soo rogayo maalgaalinta lagu samaynayo shirkadaha dhinaca tamarta ee Russia, iyo waliba shirkadaha soo saara hubka fudud iyo taangiyada.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com