|

Madaxweyne Obama oo Ku Dhawaaqay inay Joojiyeen Taageeradii Dawladiisu Siin jirtey Dalka Masar

OBAMAWashington:16-Aug-2013(SDN)Madaxweyne Barack Obama, ayaa  ku dhawaaqay inay Dawladiisu ka laabtay  taageeradii ay siin jireen dalka Masar.

 

Arinta ayaa ku soo aadeysa maalin uun ka dib markii ay millitiriga Dalka Masar ay layeen banaanbaxayaal ka tirsan Uururka ikhwaan-ul- muslimiin.

Madaxweyne Obama ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadii ay qadeen ciimada miltariga Dalka Masar.

 

Millitiriga ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba ay bur-burin doonaa Goobaha ay ku sugan yihiin taagerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Morsi.

 

‘’Talaabadii aan ku dooneynay in aan si xoojaino xidhiidhka iyo wada shaqeynta inaga iyo dowlada Masar ayaan hada si Deg-deg ah u joojinay maadama ay militiriga Masar ay si bini`aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen shacabka Dalka Masar “ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa  yidhi, “ wax dhacaya maaha inaanu caawimo iyo wada-shaqayn bixinno iyadoo shacabkii waddooyinka lagu gumaadayo.”

 

Dowladaha Caalamka ayaa iyaguna waxa ay siyaabo kala duwan u dhaleeceeyeen talaabadii lagu dilay dad gaadhaya 600 oo qof maalintii arbacada howlgal ay ku dhaqaaqeen ciidamada militariga masar.

 

Somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed