Madaxweyne Obama oo Congress-ka Mareykanka ka dalbaday in cadaadis dheeri ah aan la saarin Iran
Washington Nov 15,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa aqalka Congress-ka ee dalkaasi ka dalbaday in aaney cunaqabateyn dheeri ah saarin dalka Iran.
Waa inta ay socdaan buu yiri wadahadalada reer Galbeedka iyo Iran ee ku saabsan sidii Iran loogu qancin lahaa in aaney sii wadin sameysashada Hubka Nuclear-ka.
Mareykanka ayaa dalbana mudo dheeri ah in la siiyo xal waara oo laga gaaro barnaamijka Nuclear-ka ee dalka Iran.
“Hadii Mareykanku dhab ka tahay in Iran laga hor joogsado sameynta hubka Nuclear-ka waa in dublomaasiyada fursad la siiyaa”ayuu yiri Obama.
Iran ayaa haatan waxa dhaqaalaheeda jilbaha u dhigay cunaqabteyno is xigay oo reer Galbeedku dalkaasi dul dhigeen sanadihii u danbeeyay.
Waana sababta haatan Iran dib ugu soo celisay miiska wadahadalada Nuclear-ka.
SDN-Wahington
contact@somalidiasporanews.com