|

Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Madaxweynaha iyo Axsaabta Mucaaridka Mid Walba Si Gaar ah Runta Ugu Sheegay

Hargeysa:15-Nov-2013(SDN)-Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa markii ugu horraysay Ka Hadlay Baaqa ka soo Baxayey Axsaabta Mucaaridka ah ee la xidhiidha  shirka Dood qaran oo xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye Si weyn uga soo horjeesteen.

yaasiinMadaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo maalintii shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa ugu horrayn tilmaamay in Dastuurka Somaliland qorayo in talo qaran lagu Baaqo, balse ay Axsaabta mucaaridku Haatan taas Baal ka dhaafeen, “Waxa la raacayaa Distoorka Somaliland, wuuna qorayaa talo-wadaag, laakiin waxa uu kaasi Noqonayaa mid xukuumadda loola Tegay oo talo la is weydiiyey, laakiin kan imika la hayaa waa mid laga Baahiyey Warbaahinta.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf yaasiin.

Waxa uu madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland sharraxay qaabka uu distoorku U banneeyey in shir qaran la iskugu yimaaddo iyo awoodaha uu madaxweynuhu u leeyahay qabashada shirkaas iyo cidda uu ugu yeedhayo, waxana uu yidhi,  “Qaranku waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo kala ah fulinta, Garsoorka iyo Baarlamaanka, marka ay taallo talo qaran oo uu madaxweynuhu soo jeedinayo oo arrimaha degdega ah madaxweynuhu soo jeedinayo oo uu isugu yeedhayo Hay’adaha qaranka si Arrinkaas ay Go’aan uga gaadhaan, waliba distoorku waxa uu qorayaa talada Degdega ah madaxweynuhu waxa uu ku sii dhaqmi karaa Toddoba cisho, Haddii  uu Barlamaanku fasax yahay muddo laba Wiig ah ayaa la isugu yeedhayaa taasna wax muran ah lama gelin karo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay Axmed Yuusuf Yaasiin inay Axsaabta qaranku xaq u leeyihiin inay qabsadaan shir iyo Doodo iyaga gaar u ah, Natiijada ka soo baxdana ay xukuumadda u gudbiyaan, waxana uu diiday in xisbiyada Mucaaridku madaxweynaha ugu yeedhaan shir ay iyagu gacanta ku hayaan, waxana uu yidhi, “Talo soo jeedinta Xisbiyadu xaq bay u leeyihiin, laakiin iyagu  ha qabsadaan tooda, dabadeedna wixii ay la noqoto Ha u soo jeediyaan dawladda iyadoo talo ah, laakiin in madaxweynihii loogu yeedho arrin iyagu ay soo jeediyeen oo markii hore aanay kaba wada hadlin oo aanay isugu iman talada qaran ee Degdegga ah madaxweynahaa golayaasha qaranka isugu yeedhi kara.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu  farta ku fiiqay inay xisbiyada Mucaaridku xaq u leeyihiin inay doodo qaran qabsan karaan, ugu yeedhi karaan xisbiga Talada Haya, gorfayn dheer ka dibna  maxsuulka ka soo baxa loo gudbiyo Fulinta si ay fikradaha  toolmoon u qaadato, “arrinka Dood qaran Ha qabsadaan Xisbiyada Mucaaridku xaq bay u leeyihiin waxa ay u yeedhi karaan Xisbiga Muxaafidka ah Hadduu yeelayo iyo Hadduu diidayaba, dabadeedna Afkaar way isweydaarsan karaan, talo midaysanna waa loo Gudbin karaan Fulinta si ay wixii Macquul ah uga qaadato. Laakiin in Fulintii wax fulinaysay loogu yeedho taladii taas waxan u arkaa mid qaldan” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, isagoo intaas raaciyey, “anigu nin sharci baan ahay arrinkanna muddo dheer baan ku soo dhex jirey, nin-na wixii uu soo Unkay inuu dib u baabi’iyo ma aha, imikana waxan sheegayaa sida uu sharcigu ahaa haddii la jeclaysanayo iyo Haddii la Necbaysanayo-ba.”

 

 

Ugu dambayntii waxa uu Axmed Yuusuf yaasiin u  soo jeediyey shacabka Somaliland inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay dalkooda horumarkiisa ugu shaqayn lahaayeen, islamarkaana ay dhexdooda uga saari lahaayeen kala duwanaanshaha kooban ee dhexyaalla.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed