|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Tababar u soo Xidhay Garsoorayaal ka kala Yimid Gobolada dalka

Hargaysa 11.Nov 2013 (SDN)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta magaalada Hargaysa ugu soo Gabo gabeeyay Tababar u socday Mudo Sagaal Bilood ah u socday Garsoorayaal ka hawl gala Gobolada dalka.

Madaxweyne ku xigeenkaKulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid,Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, Saraakiil ka Socotay Hay’ada Hay’ada Undp iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in Garsoorayaashan oo hore Jaamacadaha dalka uga qaatay aqoon la xidhiidha Culuunta Sharciga ay Mudo Sagaal bilood ah Jaamacada Hargaysa Tababar Dheeri ah iyagoo ka hawl gali doona sida uu Xusay Gobolada dalka .

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa ku guubaabiyay xubnaha Garsoorayaasha ahi inay isu diyaariyaan sidii ay uga soo bixi lahaayeen Mas’uuliyada Culus ee loo igmaday isla markaana ay ku gutaan Shaqadooda nidaam hufan oo caddaalad ah.

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay Xubnahan Garsoorayaasha ahi in Aqoontii ay kasbadeen ay ku dabaqaan Waajibaadka shaqo ee ay ummada uga Mas’uulka yihiin isla markaana ay ku sifoobaan sida uu Yidhi kuwo dhex dhexaad u ah bulshada ay u garnaqayaan..

Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici waxa uu iftiimiyay qiimaha ay Cadaaladu ugu fadhido bulshada iyo Qarankaba,Waxaa kale oo uu u mahadceliyay Hay’ada UNDP Doorka ay ka qaadatay Tababarada iyo Gacan Siinta  hay’adaha garsoorka ee dalka.

Gunaanadkiina waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Shahaadooyinkoodii Waxbarasho Gudoonsiiyay  Garsoorayaashii tababarkaas dhamaystay oo tiradoodu dhamayd Laba iyo Sodon Garsoore.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed