Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay arday dhamaystay Kuliyada Sharciga Jaamacadaha Hargaysa iyo Camuud
hargaysa 09.Jan (SDN)
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciiil Saylici ayaa maanta shahaadooyin Gudoonsiiyay Sadex iyo Sodon arday oo mudo toban bilood ah aqoon la xidhiidha dhinaca Sharciga ku qaadanayay Jaamacada Hargaysa .
Ardaydan oo ka baxay Kulliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Hargaysa Iyo Camuud waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Gudoonsiiyay abaal marino isugu jirta Shahaadadihii ay Mutaysteen iyo Weliba Mushahar laba bilood ah,Maadama ay ka hawl galayeen Maxkamadaha dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici waxa uu ardaydan dareensiiyay Mas’uuliyada dal iyo dadba leh ee sugaysa gaar ahaan sidii ay adeega sharciga ee ay kasbadeen ummadooda uga faa’iidayn lahaayeen..
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku booriyay sidii ay uga fogaan lahaayeen wax kasta oo ka leexinaya Mas’uuliyada qaranku ka sugayo isagoo intaas ku daray inay deganaansho iyo wada shaqayn la yeeshaan Qaybaha kala duwan ee bulshada .
Wasiirada Wasaarada Cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid iyo Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay doorka Xukuumadu kaga jirto tayaynta Waaxda Garsoorka isla markaana tusaale u soo qaatay shirkii uu Madaxweynaha Somaliland dabada ka riixayay ee dib u habaynta Cadaalada iyagoo intaas ku daray sida ay waajibka u tahay in bah’da Cadaaladu ay dhan uga soo wada jeedaan wax kasta oo lagu tayo gelinayo garsoorka dalka.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali iyo ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee q aranka ayaa iyana Shaqaalahan Cusub uga waramay waajibaadka hor yaal iyo sida laga rabo inay uga soo baxaan.
Waxaa kale oo Madashaas ka hadlay Mas’uuliyiin ka socday Hay’ada Undp,oo gacan ka gaysata kor u qaadista aqoonta Sharciga iyo tayayntiisa.
Hargaysa SDN