|

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo noqday ruuxa ugu sumcada wanaagsan Xukuumada Somaliland

Hargeysa Jan 28,2012(qurbejoog.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa noqday masuulka ugu sumcada wanaagsan ee xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dib kolkii uu ku gacan seydhay in xilkii loo doortay u dabo fadhiiso xulafada xuurtada ku heysata madaxtooyada dalka.

Md Saylici ayaa dareemay xil xyuubsiga wasiirada heysta dhegta madaxweynaha Somaliland kana dhiidhiyay in rag aan la dooran ay ugu amar ku taagleyaan sifo qeyrul dastuuri ah.

Md Saylici ayaa u sheegay madaxweyne Axmed Siilaanyo in aanu sidiisa maraba xilkiisa dastuuriga ah ee ummadu u dooratay in aanu wareejineyn kiyoo weli ku magacaaban.

Wasiirada foorara ee xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa aad iyo aad ugu riyaaqay goaanka geesinimada iyo wadaniyadu ku dheehan tahay ee uu ka qaatay inamada aaney cidi ddoran ee talada dalka maroorsaday.

Md Saylici ayaa sidoo kale waxa shacabka reer Somaliland ay gudo iyo dibedba u riyaaqeen hadalkii wadaniyada ahaa ee madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu ka jeediyay isu soo baxii dhawaanta Hargeysa lagu qabtay ee lagu taageerayay qadiyada Somaliland.

Md Saylici ayaa xilkiisa miiska saaray hadii reer Sool ay ku qancayaan,waa markii u horeysay oo masuul Somaliland u dhashay xil loo doortay danta dalka sheegay in uu dhaafsanayo.

Khilaafka madaxtooyada ayaa dheeraaday bacdamaa ay dhexdhexaadinka galeen ragdamacoodu yahay iska dhiska iyo isgarabtaaga Madaxweynaha iyo ku xeedhaneyaashiisa.

 

Qurbejoog-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed