Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Maalintii shalay Dhaqdhaqaaq wajiyo Badan Lagu Macneeyey Caasimadda ka dhex sameeyey
Hargeysa:7-Oct-2013(SDN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa Magaalada Hargeysa Maalintii shalay ka dhex sameeyey Dhaqdhaqaaq cusub oo aan hore loogaga Baranin.
Mudane Saylici oo lagu tilmaamo nin aad u deggen oo aan isticmaalin awoodaha uu Dastuurku siiyey, ayaa shalay bulshada u muujiyey inuu dalkan xilligan la joogo ka yahay madaxweyne rasmi ah, waxana la sheegayaa inuu tallaabadaas u qaaday si uu wax ugu sheego koox Wasiirro ah oo la sheegay inay shaqadiisa faragelin badan ku hayaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo shalay ka qayb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Arday ka qalinjabisay jaamacadda New Generation, ayaa markii uu ku sii socday munaasibaddan oo ka dhacaysay Huteel Mansor iyo markii uu ka imanayeyba Bulshada Caasimadda ku nooli ka dareentay Isbeddel weyn oo la xidhiidha qaabka uu u dhex soconayey Magaalada oo ahaa mid aan hore loogu arag.
Saylici, ayaa shalay waxa uu kaxaystay Baabuur badan oo Madaxtooyadu leedahay, waxana uu, gaar ahaan kuwa ciidanku isticmaalaan, waxana uu caasimadda sii socodkii iyo Soo socodkiiba ku dhex maray Hannaan cusub oo u dhigma ama kaba Gurxan iyo sawaxan badan kii madaweyne Siilaanyo Magaalada u dhex mari jirey.
Bulshada caasimadda ku dhaqan ayaa iyadu si aad ah isku weydiinaysay waxa sababay inuu saylici qaab noocaas oo kale ah isagoo wata ciidan badan, wasiirro badan, islamarkaana loo xidho waddada min Mansoor ilaa iyo Igoyska Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, waxana loo kala qaaday meelo kala duwan oo qof waliba raaciyey ujeeddo gaar ah iyo sabab gaar ah oo uu ku sheegay isbeddelkan cusub ee safarka Gudaha ee Mudane saylici.
Inkastoo aan la dareemi jirin inuu saylici magaalada dhexmarayo iyo in kale, Haddana shalay waxa uu u socday qaab ka culus kii uu siilaanyo magaalda u dhex mari jirey, waxana taasi muujinaysaa inuu guud ahaanba isbeddelay jawigii hore ee Saylici u dhaqmi jirey oo uu haatan garwaaqsaday inuu u socdo si culus oo haybadiisu ka muuqato.
Waxa ay haddaba Bulshadau ku macneeyeen isbeddeelkan cusub ee ku yimi mudane Saylic, mid uu rag uu awooddiisa uga taag la’yahay oo dhaafsiisan ugu sheegayo inuu dalkan Haatan madaxweyne ka yahay, islamarkaana istaahilo in looga dambeeyo maamulka iyo isku dubbaridka Hawlaha qaranka inta uu madaxweynuhu maqan yahahy.
Kooxdan uu maalintii shalay dhoolla tuska ku samaynayey, ayaa waxa ugu horreeya Wasiir xirsi oo in badan farogeliyey awoodda madaxweyne-ku-xigeenka, waxana tan lagu tusaalaynayey inuu caasimadda u dhexmari karo sida siilaanyo iyo si ka weyn, maadaama uu kursiga ku fadhiyo doorasho shacab oo la mid ah midda Madaxweynaha.
Isku soo wada duub oo maalintii shalay waxa uu saylici shacabka u sheegay inuu waddankan haatan ka yahay madaxweyne Awood badan oo markuu doono waddooyinka xidhanaya, isagoo farriin gaar ahna u diray dhammaanba dadka u haysta inaanu awooddiisa isticmaalin.
Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu kaxaysto Baabuur badan oo tikniko ah, kuwaas oo iskugu jira dhammaanba ciidamada kala duwan ee Somaliland iyadoo ay wehelinayeen taliyayaasha ciidamada iyo badiba wasiirrada ku sugan caasimadda wakhti xaadirkan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland