Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay Bilowga Wejigii labaad ee Mashruuca JPLG ee Horumarinta Dawladaha Hoose.
Hargaysa 21.Jan.(SDN)
Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga qayb galay bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Dawladaha Hoose ee JPLG.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha, Maaliyadda, Qorsheynta, Macdanta iyo Biyaha iyo wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo Degmooyinka ee wasaaradda arimaha gudaha, halka sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah maayarada magaalooyinka somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo kulankaasi ka hadlay ayaa talaabo muhiim ah ku tilmaamay taageerada ay dalalka deeq bixiyayaashu ka gaysteen hirgelinta mashruucan, isagoo madaxweyne ku xigeenku cadeeyey sida ay nabadgelyada ka jirta somaliland muhiim ugu tahay qabsoomida mashruucan, isagoo ballanqaaday in xuuumadda somaliland mar walba ku hawlan tahay xidhiidhka dhaqan dhaqaale ee lala yeelan doono beesha caalamka.
Md Saylici waxuu halkaa ka xusay inay jireen Guulo laga gaadhay mashruucan JPLG iyo caqabado ka hor yimid isagoo mar kale codsi u jediyey deeq bixiyayaasha in la kordhiyo degmooyinkii mashruucu ka socday, waxuuna si gaar ah u tilmaamay in lagu kordhiyo magaalooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Saylac mustaqbalkana la gaadhsiin doono 23 degmo ee dalku ka kooban yahay.
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo horumarinta Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay faa’iidada Mashruucan ayaa faahfaahiyey sida ay khibradda , aqoonta iyo shaqo abuurista uga korodhsadeen degmooyinkii laga hirgeliyey iyadoo awoodda la saaray maaul daadejinta, xoojinta hay’adaha dawladaha hoose iyo kobcinta adeegyada bulshada sida wadooyinka.
Dr Sacad waxa uu xusay in wejigii hore ee mashruucan ay ka maqnayd kaalintii dawladda dhexe, hase yeeshee wejigan labaad loo xilsaaray guddi uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenku oo mashruucaasi hirgelintiisa la socon doona.
kulankaas balaadhan waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Mayorka caasimadda Eng. Yuusuf warsame Siciid.
Hargaysa SDN.