|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Furay Xafiis loogu Magac daray Maalgashiga {DHAGAYSO}

Hargaysa 16.Nov 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa maanta ka qayb galay  xaflad lagu furayay xafiiska maalgashiga ee wasaarada ganacsiga  kaas oo munaasibad loogu qabtay huteelka ambasador ee magaalada hargaysa.

Madaxweyne ku Xigeenka  Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xafiiska maalgashiga ee wasaarada ganacsigu  uu ka qayb qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo uu sheegay in aan looga maarmin hawlaha ganacsiga .

Madaxweyne xigeenku waxa uu xusay in xafiiskani uu waxka tari doono   dhinacyada kor u kaca dhaqaalaha ., shaqo abuurka  waxaana uu ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga talaabada furitaanaka xafiiskaas.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysto Hadalka Madaxweyne Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Zaylici16n.mp3″]
IMG_6661 IMG_6675 IMG_6693 IMG_6698 IMG_6710 IMG_6713 IMG_6737 IMG_6740

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed