Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Boorama Gaadhay iyo Wufuud Camiray Gobolada
Hargaysa 17.May 2014 (SDN/QJ)- Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo M/xigeenka JSL Md cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici ayaa galabta gaadhay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Madaxweyne ku xigeenka oo weftigiisa ay ka mid yihiin Wasiirada wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Macdanta iyo tamarta iyo xubno kale ayaa waxaa halkaa si weyn ugu soo dhoweeyey dadweynaha gobolka Awdal oo ay horkacayaan maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, waxana ay maalinta berritto dadweynaha Gobolkaasi kala qayb geli doonaan dabaaldegyada loo samaynayo munaasabadda xuska sanadguurada 23-aad ee 18-ka May.
ka horĀ intii aanay weftiga Madaxweyne ku xigeenku gaadhin Magaalada Boorame waxay ku hakadeen magaalooyinka Gebiley iyo Dila oo ay dadweynaha deegaanadaasi ugu hambalyeeyeen munaasabadda 18-ka may oo maalinta berrito laga xusi doono dalka iyo dibadiisaba.
Dhanka kalena Xarunta Gobolka Sanaag Magaalada Ceerigaabo waxaa maanta gaadhay oo si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga iyo Deegaanka waxana ay dadweynaha Gobolka sanaag kala qayb geli doonaan xuska munaasabadda 18-May.
isla wararka gobolka sanaag Gudoomiyaha Gobolka sanaag Md Maxamud Cali Saleebaan Ramaax ayaa gaadhi Umblance ah ku wareejiyey Maayirka Magaalada laasqoray Md maxamed ibrahin casharo, kaasoo qayb ka ah ballanqaadadii Madaxweynaha Somaliland ee wax ka qabashada arimaha bulshada ee Degmadaasi markii uu booqday magaalada Laasqoray bishii March ee Sannnadkan.
Munaasabadda gaadhiga Umblance-ta ah lagu gudoonsiinayey Mayor-ka magaalada laasqoray oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga Md Cali Jaamac Faarax Buureed ayaa Mayor-ku waxa uu uga mahadnaqay madaxweynaha somaliland iyo wasiirka wasaaradda caafimaadkaba gaadhiga umblance-ta ah oo uu ku tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono baahiyaha caafimaad ee bulshada deegaankaasi.
Sidoo Kale Waxaa Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Gaadhay Wefti ka Socda Golayaasha Qaranka si ay Shacabka ugala Qayb galaan Xuska Munaasibada 23 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com