Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Booqasho Tacsiyeed ku Tegay Guriga Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec
Hargaysa 15.March 2014 (SDN)- Madaxweyne Ku-xiggeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa booqasho ugu tegay qoyska uu ka baxay Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo uu muddo u jiifay xannuun ka haleelay sambabada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo ay booqashada uu maanta ugu tegay qoyska Fannaanku ka geeriyooday,ayay ku wehelinayeen Wasiirka dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal,Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada,Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
Madaxweyne Ku-xiggeenka Iyo Xubnaha Wehelinayey ee booqday Qoyska Maxamed Saleebaan Tubeec oo deggen xaafada Daami ee magaalada Hargeysa ,ayaa waxay guriga kula kulmeen Xaaskii uu ka geeriyooday Maxamed Saleebaan Qadiija Ismaaciil iyo Jaamac Saleebaan Tubeec oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.
Madaxweyne Ku-xigeenka iyo xubnaha ku wehelinayay booqashada,ayaa qoyska uga tacsiiyeeyay Geerida ku timi fannaankii Maxamed Saleebaan Tubeec ,iyagoo ku dheeraaday inuu fannaanku ka baxay Somaliland isla markaana waxay ILLAAHAY uga baryeen inuu Marxuumka jannadiisa macaan ugu deeqo ehelka,qaraabada,asxaabta,iyo guud ahaan shacabka Somalland ee uu ka baxayna samir iyoiimaan a siiyo.
Jaamac Saleebaan Tubeec oo isna halkaa ka hadlay,ayaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Xubnaha la socday uga mahad naqay siwa qiimaha leh ee ay uga qayb qaateen tacsida isagoo Xukuumadda Somaliland-na aad ugu ammaanay sida weyn ee ay iskaga xil saartay in Meydka Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec lagu aaso dalkiisa hooyo oo uu marxuumku ku sii dardaarmay intaanu geeriyoon in lagu aaso magaalada Berbera.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com