Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Oo Degmada Dhahar Shahaado Sharaf ku Siiyey Ilaalinta Deegaanka Iyo Duurjoogta
Garowe:10-April-2014 (SDN)-Shirweynihii Maamulka Puntland Garowe ku Qabtay ee Lagaga Hadlayey Ammaanka Duurjoogta iyo Deegaanka, ayaa waxa Abaal marin ku heshay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag amaba Haylaan.
Shirweynaha oo ay ka soo Qaybgaleen Madax Sare oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa Degmada dhahar lagu Guddoonsiiyey Abaalmarintan sida Qiimaha leh ee ay u ilaaliso Deegaanka ay ku taallo, iyadoo inta badan Deegaamada kale eek u Hareeraysan si aad ah looga Xaalufiyey Dhirtii iyo Waliba Ugaadhii ay qaniga ku ahayd.
Tartankan ay Degmada Dhahar ku Guulaysatay wax aka Qaybgalay inn ku dhaw 42-degmo oo Puntland ka mid ah, iyadoo ay ugu dambayntii Hay;adaha arrimaha Deegaanka ka shaqeeya iyo Maamulkuba isku raaceen in degmada dhahar ay mudan tahay in Shahaado lagu siiyo Hawsha adage e ay Hayso.
Sidoo kale waxa iyaguna Halkaas Abaalmarino lagu Guddoonsiyey Degmooyinka Laba Degmo oo isla maamulka Puntland Hoos Yimaadda.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa guddoonsiiyey maayarka degmada Dhahar shahaado sharaftaas , waxana lagu ammaanay sida ay ula dagallaameen ka ganacsiga dhuxusha iyo xaalufinta degaanka , taas ayeyna ku mutaysatay shahaado sharafta .
Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Lagu qabto Puntland, waxana lagu sheegay mid dhiirrigelin u noqon kara Deegaamada kale ee Puntland si ay Dagaal ula Galaan Ganacsiga dhuxusha iyo waliba Duurjoogta.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com