|

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka:ilaa kadinka Cadaabtaan Ayaan idin eryan doonaa Daacisheey

Washington Sept 04,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa si caro leh uga soo jawaabay falkii naxdinta badnaa ee ay kooxda Daacish ee Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta qudha uga jartay weriyihii labaad ee Mareykanka u dhashay.

Madaxwyne ku-xigeenka Mareykanka oo saxaafada la hadlay ayaa caro is heyn kari waayay isla markaana nidaam siyaasadi ka marantahay carodiisa u muujiyay.

‘Kolka aanu soo gunaanadno marxabeynta qoyska Sodloff waxaanu ISIS eryan doonaa ilaa ilabaabka cadaabta’ ayuu yiri Mr. Biden.

Madaxweyneaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar  uu isna fariin hanjaabaad ah u diray kooxda ISIS waxa uu si siyaasadeysan u sheegay in dawladiisu ka jawaabi doonto dilka suxuufiyiinta.

‘Sida la wada ogsoonyahay gacanta Mareykanku waa ay dheertahay, denbiileyaashana mar uun baa cadaalada la hor keeni doonaa’ ayuu yiri.

Dalalka reer Galbeedka ayaa argegax ka qaaday qaabka wuxushnimada ah ee ragan loo laayay iyo hanjebaadaha ku larnaa muuqaalada dilka suxuufiyiinta.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed