|

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo ku adkeystay in ciidamadoodu sii joogayaan Soomaaliya iyo shicibka dalkaas oo doonaya in ciidamada la soo celiyo

Nairobi May 07,  2014(SDN/QJ)-Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ku gacan seyray dalabaad ka kala imanayay axsaabta mucaaridka dalkaas oo doonaya in ciidamada Kenya laga soo saaro dalka Soomaaliya.

Shacabka dalka Kenya ayaa u muuqda in ay mucaaridka la qabaan in ciidamada laga soo saaro si amniga dalkooda loo sugo.

Sida ka muuqata baraha Internetka ee bulshada sida Twitter waxa shacabka Kenya  ay doonayaan in wax laga qabto amaan darida dalkooda soo wejahaday.

Doodahan ayaa ku soo beegmaya xili dhawr maalmood guddahiid ay ka dheceen dalka Kenya magaalooyinkiisa ugu waaweyn qaraxyo sababy dhimasho iyo dhaawacyo faro badan.

Dawlada Kenya ayaase ku adkeysaneysa in ciidamada dalkaaas ay u dirtay guddaha Soomaaliya sanadii 2011kii si wax looga qabto amniga gobolka.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed