|

Madaxweyne ku xigeenka Juba land oo ka hadlay Qorshaha Maamulkooda ee Xasiloonida Kismaanyo {DHAGAYSO}

Kismaayo 17.July (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdulahi Xaaji Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay qorshayaasha maamulkiisa ee ku aadan xasilinta amaanka magaalada Kismayo.

Gen.Fartaag oo wareysi siiyay Radio Kismayo ayaa sheegay inay il laga bilaabo Maanta ay ka saari doonaan guud ahaan Ciidamada Militeriga gudaha magaalada ka dib markii ay bateen kooxo ku labisan dareeskooda oo dhibaateeya shacabka.

Wuxuu ku amaanay ciidanka Jubaland sida geesinimada leh ee ay u difaaceen maamulka iyo nabadgelyadooda ,mid la mid ahna ujeedshay ciidanka Kenya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Waxaanu Dadweynaha ayuu ugu baaqay inay maamulkooda kala shaqeyaan sugida amaanka si aysan jaanis u siin kooxo Qaswadayaal uu ku tilmaamay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GenFartaag.mp3″]

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed