Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Shirkad Maalgashi Caalami ah dalka ka fulinaysa
Hargaysa 03.Oct 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna ku simaha madaxweynaha MD Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay kambaniyo Maalgashi oo caalami ah
Madaxweyne ku xigeenku iyo labada Kambany ee kala ah AlPho Ray iyo Hanford University waxa ay si balaadhan uga wada hadleen mashaariicda iyo fursadaha iskaashi ee wadanka ka jira.
Mr Anduru oo ka socday Company-ga caalamiga ah ee Alpha Tay ayaa ka warbixiyey sida diirran ee loogu soo dhoweeyey dalka iyo sida uu ugu faraxsan yahay in Company-giisu soo booqdo dalkan JSL.
Dhankiisana Md Xasan Nuur oo ka tirsan Company-ga hanfard-Africa oo ah hay’ad iftiimisa fursadaha maalgashi ee dalka ka banaan ayaa isna muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay iskaashi kasta oo dhexmara somaliland iyo Company-ada ay wada shaqaynta la leeyihiin.
Kulankaa ka bacdi afhayeenka Madaxtooyada JSL Md Axmed saleebaan dhuxul ayaa faahfaahin ka bixiyey kulanka madaxweyne ku xigeenka iyo Kambaniyada maalgashi ee dalka soo booqday, waxana uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka somaliland uu si balaadhan u soo dhoweeyey booqashada Company=adani ku yimaadeen dalka, isla markaana uu u ballanqaaday inay dawlad ahaan u fududayn doonaan wax kasta oo u suurogelin kara inay maalgashi ka sameeyaan dalka.