|

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland oo ka Tacsiyadeeyay geeri ku timi Sheekh Axmed Cali Weerar

Hargeysa Jan 19,2014(SDN)-Madaxweyne ku- xigeenka isla markaana ah ku simaha madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timi Allaha u Naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo Jabuuti ku geeriyooday.

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti oo marxuumka loogu qaaday Xaalad Caafimaad dhawaan

Marxuumka oo da?adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo isaga oo marxmuumku Ifka kaga tegay 115 Caruur ah oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed