Madaxweyne garo waxa xaq laguugu leeyahay? Qalinkii Cabdi maxamed xirsi
Madaxweyne garanla shaqadii qaranimo ee loo igmaday waxaan maqaalka kusoo qaadanayaa su’aalo aan inbadan is weydiiyay islamarkaa aan u waayay jawaab muhiiim ah waxaana ka mid ah kuwan soo socda.
Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waa aqoon yahan siyaasada mudo aad dheeer kusoo jiray kaas oo ah halyeey gayiga Somaliland ku leh qiimo iyo miisaan in badana dhibaato iyo diif u soo maray,
Waxaana marag ma doon ah in uu yahay shakhsiga ugu waayo aragnimada dheer dhinaca hogaaminta marka lasoo qaado siyaasiyiinta joogta manadaqada geeska Africa hadii ay yihiin dhulka soomaalida iyo wadamada ku xeeranba, sidaa daraadeed iyadoo uu kaalintaas kaga jiro halbeega qiyaasta shakhsiga ah ee lagu qiyaaso miisaanka qofka, sidoo kalana ay jirto darajooyin inaga reer somalialand ahaan uu inoo dheer yahay halbeegaasi kaasoo aynu ka xusi karno kaalintii uu kazoo qaatay halgankii dalka lagu soo xoreeyay, ayaa hadana waxa aan la yaabay in uu maanta markii talada dalka oo doortay uu ku sifoobo muuqaal aad ugu hoseeya darajooyinkaasi aynu soo tilmaanay ee isagu jira kuwa caalamiiga ah ee la jaanqaadaya waayo aragnimada siyaasada ee gobolka geeska Africa iyo kuwa gudaheena ee aynu soo xusnay.
1 madaxweynaha Somaliland waa shakhsi ku astaysan in uu garan la” ayahay wixii dastuuriyan xaq bulshadu ay ugu lahayd kaasoo ilaa maalintii la doortay noqonaya mid ka raad gadanaya waajibaadka shaqo ee dastuurku u ogol yahay, ujeedada maqaalku maaha mid aflagaadaynasa madaxweynaha balse waxaan idiin soo hor dhigayaa qodobo cad cad oo dhamaantiin aad ka marag furi doontaan kuwaas la xidhiidha aqoon darda aan ku tilmaamayo madaxweynaha mana aha biyo dhaca maqaalku mid la xidhiidha cunsiriyad iyo mucaarid ee waa mid ku astaysan tilmaamid iyo toosin aan inta awoodayada ah ku guneynayo madaxweynaha dalka oo ah ruux shakhsi ahaan iga muadan karaamo iyo xaq dhawar.
Hadii aan in yar aan sharaxaad ka bixyo shaqada madaxweynuhu uu qabto marka laga hadlayo madaxweynuh uu ahaado ugu horayn shaqaale u shaqeeya bulshada qorata cida u shaqaynaysa,
Ugu horayn waa inuu ogaadaa in uu yahay adeege u adeega cida adeega u diratay, waa in uu laabta ku haysto in uu ku dhaqmo waajibaadka ay u dajisay cida adeega u diratay oo ah bulshada, waa inuu hanaanka calaamiga ah iyo sidoo kale sida uu dhigayo dastuurkeena aynu ku dhaqanaa, waa in
ahaado ruux si ixtiraam leh ugu dhago nugul cida uu u yahay shaqaalaha oo ah bulshada, madaxweynuhu kama sareeyo cida xilka u dhiibatay islamarkaa wax kasta oo la xidhiidha shaqadiisu waa wax cad oo qoran oo aan muran lahayn , sidaadarteed waa in madaxweynuhu uu ogaado in uu raaco jidka loo jeexay islmarkaa ahaado mid wax kasta oo daw ah oo kazoo yeedha bulshada wixii macquula ah in uu sida ay tahay u saxo.
Madaxweynaha ayaa ah ruuxa u dhaxeeya bulshada iyo xukuumada uu soo dhiso o oaf soomali ahaan loogu yeedho ama noqonaya kal kaaliyeyaal, sidaa darted kaaliye kasta oo guuxiisa ka dheereeya waa inuu shaqada ka eryaa maadaama aanay bulshadu kaaliyeyaasha dooran balse cida ay dooratay uu yahay madaxweynaha ama adeegaha guud ee qaranka.
Hadii aynuu u soo noqono Somaliland iyo xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo, waxa dhacday mudadii sedexda sano ahayd ee ay jirtay in waxyaabo badan oo aan loo baahnayn in ay dalka ka dhaceen, kuwaasoo dhamaantood bulshada madaxweynuhu uu u shaqeeyo ee ay ka tabasho ahaan kaga jawaabtay nasiib daro se aanu adeegaha guud dhag jalaq u siin, dhamaan qaladaadkaa dhcayna waxa masuul ka ahaa kalkaaliyeyaasha uu madaxweynuhu dirtay anigoo jeclayn in aan mid mid u calaamadiyo maadaama ay badan yihiin.
Waxaan tusaale kooban anigoo idin qancinaya usoo qaadanayaa isku shaandhaymaha kala duwan ee madaxweynuhu sameeyay mudadii uu shaqada hayay ayaa dhamaantood noqday kuwo aan lagu farxin ama aan laba mahadin, waxaa jirta in sida aynu wada ognahay isku shaandhayn kasta oo madaxweynuhu uu soo sameeyay in uu xilalkii ka qaaday ragii ugu mdnaa dhinaca waxqabadka halka aanu taaban kuwa laga cabanayo, hadii aan daboolka ka qaado midi u danbaysay waxa dhaleeco aad u badani ay dul hoganaysay wasiirka ciyaaraha iyo dalxiiska cali siciid rayggal kaasoo aynu ka wada dharagsanay cawaaqibkii ka dhashay taratankii ciyaaraha gobolada Somaliland ee dhawaanta dhamaaday kaasoo wasiirku uu ku mutaysatay eedaymo badan oo la xidhiidha wixii dhacy isla markaa bulshadu ay rabtay hadii la sameeyay isku shaandhayn u masuulka ugu horeeyaa uu noqdo isaga iyo inta la wadaagta shaqo xumada nasiib daro waa la ogaa waxa kasoo baxay isku shaandhayntii, markaas miyaanay cadayn in madaxweynuhu uu garan la ayay waajibaadkii loo doortay oo ah in uu shaqaaleeyo kal kaaliyeyaal si hufan ugu shaqeeyo islamrkaa cid kastoo bulashadu ay tilmaanto in aanu hananayn xilka loo dirtay in madaxweynuhu intuu darso eeda s deg dega go aan uga gaadho masuulkaas.
Waxa aynu wada ognay in masuul kasta oo madaxweyuhu uu magacaabo sida uu u shaqeeyo hadii ay fiicantayna amaanteeda uu inta badan yeelanayo madaxweynhu hadii uu xumaadana masuuliaydeeda yeelanayo markaa miyaanay haboonayn in uu ka fogaado wax kastoo naanays ku reebay taariikhdiisa hogaamineed, inta maqaalka aan ilduufay iyo inta aan ka tagay waxaan u dhaafayaa bulshada ila aragtida ah iyo inta iga aragtida iyo aqoonta dheer ee nasiibka u hesha akhrinta maqaalkan .
Wabilaaahi tawfiiq
Qalinkii
Cabdi maxamed xirsi