Madaxweyne Gaas oo wadatashi la sameynaya Xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda Puntland
Garowe 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ee xubnaha ka ah baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa xildhibaannada uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen codsigii looga dalbaday in ay yimaadaan Garoowe.
Gaas ayaa intaas ku daray in xildhibaannada lagala tashan doono qaabka ugu habboon ee loo wajahayo arrimaha ka dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, si loo gaaro go’aan lagu midaysan yahay.
Qaar ka tirsan xildhibaannada oo kahadlay kulanka ayaa ballan qaaday in ay Puntland kala shaqaynayaan dhaqan galinta wax kasta oo la isla garto.
Maamul-goboleedka Puntland ayaa laga dhaliilay heshiis maamul loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud oo Muqdisho lagu kala saxiixday dabayaaqadii bishii tagtay ee July.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com