|

Madaxweyne Gaas oo Beeniyey Inuu wax Wada-hadal ahi Dhex maray Somaliland Iyo Puntland

Garowe:May,03,2014(SDN)-Madaxweynenaha Maamulka Puntland, Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa  si cad u sheegay inaanu jirin wax wada hadal ah oo dhex maray Somaliland iyo maamulkiisa, kaas oo  la hadal hayey inuu Ethiopia ka dhacay.

 

gaaskaMadaxweyne Gaas ayaa waxba kama-jiraan ku tilmaamay hadal hore uga soo yeedhay wasiirro ka tirsan Somaliland oo sheegatay inay Arrimaha Xudduuda wada hadal kala galeen Puntland.

 

Madaxweyne Gaas oo ku sugan Magaalada Addis Abababa, ayaa sheegay inay jireen shirar Ethiopia ka dhacay Dalka Ethiopia ka dhacay oo ay Somaliland ka wada Qayb galeen, balse aanay jirin wax wada hadal ah oo halkaas ku dhex maray Somaliland iyo Ethiopia,

“imaanshiyihii somaliladn ee talex waxay dhalisayis afgarahso waa, mar haddii la isu yimaaddo waa la sheekaysanayaa laakiin arrrimo siyaasadeed oo laga wada Hadlay may jirin.” Ayuu yidhi Madaxeyne  Gaas.

 

Hadalkan uu madaxweyne Gaas sheegay ayaa waxa mid la mid ah hore u sheegay Wasiirkiisa Waxbarashada, kaas oo isla sidan oo kale u beeniyey inay Somaliland iyo Puntland wax wada hadal ah galeen.

 

Wasiirrada Arimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland oo dhawaan Ethiopia ku maqnaa ay sheegeen inay wada haddallo la yeesheen Maamulka Puntland si loo xalliyo  arrinta ka taagan DHinaca Xuduudda Somaliland  iyo Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Hadalkan ka sheegay mar uu waraysi siinayey Idaacadda VOA-da.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed