Madaxweyne Gaas iyo Cali Khaliif Oo Qardho iskugu Yimi iyo Wada-hadal Dhexdooda Laga Saadaalinayo
Qardho:May,25,2014(SDN/QJ) –Wararka Warbaahintu ka Helayso Deegaanka Qardho eek a tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in Halkaas uu Gaadhay Siyaasiga Dibad-wareegga ah ee Cali khaliif Galaydh.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Cali Khaliif uu Qoondaystay inuu ka qaybgali Caleemo-saarka Boqorka Daarood oo la doonayo in Halkaas lagu caleemo saaro.
Cali Khaliif iyo odayaal ka yimid dhinaca Deegaanada Nabad-diidka Khaatumo ayaa la sheegay in ay gaadheen magaalada oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas oo isan gaadhay maanta Qardho.
Waxaa kaloo magaalada gaadhay wafdi ka socday maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya oo doonaya inay qayb ka noqdaan Caleemo-saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Xafladda caleema saarka boqorka Daarood ayaa maalinta berri ah dhaceysa, waxaana magaalada ku sii qulqulaya salaadiin fara badan oo ka yimid dhulka Soomaalida ay degto.
Waa markii ugu horreysay oo xildhibaan Cali Khaliif Galeydh uu tago Puntland gaar ahaan magaalada Qardho, waxana la Hadal hayaa suurtogalnimada wada hadal ka dhex curta isaga iyo Madaxweyne Gaas.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com