|

Madaxweyne Faroole oo si kulul uga hadlay Arrimaha Dastuurka, Jubaland iyo dowladda Somaliya

Garoowe May 21 2013 (SDN)— Hogaamiyaha Maamulka Punltand C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shalay saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa si kulul u weeraray dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo hirgalintiisa, Maamul goboleedyada iyo Maamulka Jubaland ee dhawaan iyadoo la isku khilaafsanyahay looga dhawaaqay Kismaayo.

Hogaamiye Faroole ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya waxa dastuur loogu sameeyay ay tahay inay ka dhisanto Dowlad Federaal ah, islamarkaana maamul Gobaleedyada ay ka dhismayaan dalka sidaasina Soomaaliya ay ku dhismayso.

Faroole ayaa soo dhaweeyay dhismaha maamulka Jubaland waxaana uu sheegay in Jubland ay dhisantahay islamarkaana ay ku soo xigi doonaan dhimaha maamul goboleedyo kale oo ay kimyihiin maamlul loo sameeyo Bay iyo Bakool.

Dhamaan Maamulada Gobalada dalka Soomaaliya ka jira ayaa wuxuu sheegay in Dowladda dhexe ee dalka looga baahan yahay inay taageerto sida uu qabo Dastuurka dalka uyaala.

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in hadii aan lasoo dhaweyn maamul Gobaleedyada dalka Dowladda federal ah inaysan jirin ayuu macnaheeda ku sheegay.

Dastuurka hada uyaalo dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay inuu yahay mid la qalday oo kii saxda ahaa aan lasoo bandhigin.

Maamulka Puntland ayaa taageero adag ugu jira sidii maamulka Jubbaland oo hada caqabado dhowr ah heesta uu uhanaqaadi lahaa.

SDN-Garoowe

Comments are closed