|

Madaxweyne Faroole oo la kulmay Safiirka Australia u qaabilsan Somalia iyo Kenya

Garoowe May 21 2013 (SDN)— C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkiisa kula kulmau Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia Geoff Tooth.

Madaxweyne Faroole oo ka hadlay kulan uu la qaatay Geoff Tooth ayaa sheegay in dowladda Australia ay garabtaagantahay Soomaaliya si ay u xaliso arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Dowladda Australia inay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato horumarka ka socda deeganada maamulka Puntland.

Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia Geoff Tooth ayaa sheegay in Dowladda Australia ay diyaar u tahay dhankeeda arimaha ammaanka dhaqaalaha dib udhiska iyo dhamaan horumarada deeganada maamulka Puntland inay ka caawiso.

Geoff Tooth oo shalay gaaray Magaalada Garoowe ayaa booqday halka laga dhisayo xabsiga Magaalada Garoowe oo ay Australia qeyb ka qaadanayso dhismaha.

SDN-Garoowe

Comments are closed