|

Madaxweyne Faroole Oo Indhihiisa Ku Soo Arkay Dhibaatooyinka Naf iyo Maal-ba Leh Ee Roobabkii Dabaylaha Watay Sababeen

Garowe:13-Nov-2013(SDN)-Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxaman Sheekh Maxamed Farole ayaa shalay gelinkiii danbe Socdaal gaaban ku tagay halka ay wadadu ka go’day oo magalada Garowe u jirta 60-km dhanka Bari.

gargaarMadaxwaynaha Puntland oo saxaafada kula hadlay goobaha uu tegay ayaa sheegay wadada go’day inay saamayn ku yeelatay gurmadkii loo samaynayay dadka ku tabaalaysan deegaanadu ay ka dhacday duufaanta roobabka wata sidaa darteedna ay muhiin tahay in la helo gar-gaar hawada la marsiiyo.

Madaxweynaha ayaa dadka tabaalaysan oo qaarkood indhihiisa ku  arkay umuujiyey Beerjileec badan, waxana uu carrabaabay inuu intii karaankiisa ah waxtar weyn gaadhsiin doono, kala  tacaali doono dhibka weyn ee ku habsaday.

 

Madaxweyne Faroole oo markii musiibadani dhacdayba warbaahinta kula hadlay gurigiisa, ayaa socdaalkiisan lagu sheegay mid dadka lagula qaybsanayo dhibka iyo musiibada dadka jilicdasan ee meelaha Miyiga ah ku Nool, waxana  uu Hay’adihiisa amar ku siiyey inay gargaar degdeg ah gaadhsiiso dadka.

 

Musiibadan ay keeneen Duufaanada meelaha fog ka yimi ee Haiyan-ta loo yaqaano, ayaa dhibaato weyn gaadhsiiyey dadka soomaaliyeed gaar ahaan wax musiibadu ku badan tahay dadka deegaanada Puntland ku Nool, taas ayaana keentay inuu madaxweynuhu ku dhiirrado inuu dadkaas indhihiisa ku soo arko.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed