|

Madaxweyne Faroole oo Booqday Wasaarada Caafimaadka iyo Xogwaran laga siiyay

Garowe 20.Aug 2013 (SDN)-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 20 Aug, 2013 booqasho ku tagay xarunta wasaarada caafimaadka ee Puntland.

Wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa madaxweynaha uga waramay hawsha wasaaradu halka ay mareyso iyo ololaha Talaalka Dabaysha qaabka uu uga socdo deegaanada Puntland.

ko_1 Kulan uu la yeeshay bahda caafimaadka Dr.Farole ayaa lagu falan-qeeyay saamaynta ka bixitaanka MSF Somalia ay ku leedahay xarumihii ay gacanta ku haysay, iyadoona laga tashaday qaabkii loo maareyn lahaa gargaarka bini’aadanimo iyo weliba gaarsiinta adeegyada caafimaad guud ahaan deegaanada Puntland.

Warbixin ayuu ka dhageystay madaxweynuhu agaasinka qorshaynta ee wasaarada Dr.Cabdirisaaq Xasan Ciise oo ku saabsan xiriirka wasaaradu la leedahay hayadaha caalamiga ah iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha caafimaad ee Puntland.

erMadaxweynaha oo ay wehelinayeen saraakiisha madaxtoyada ayaa kormeeray xarun cusub oo laga dhisayo wasaarada, iyagoona sidoo kale tagay shir ka socday isla xarunta oo looga hadlayay isku xirka hawlaha caafimaad ayna ka qaybgalayeen wasaarada, hayadaha caalamiga ah iyo saraakiisha caafimaadka degmooyinka.

Dhanka kale waxa uu kormeer ku tagay madaxweynuhu taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Ligle iyo xarunta warbaahinta oo uu wax ka waydiiyay sida ay u socoto shaqada Telefishinka iyo Idaacada.

Garowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed