|

Madaxweyne Faroole iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in ay ku kulmaan Nairobi

Nairobi June 05, 2013 (SDN)— Madaxweynaha Maamulka Puntladi C/raxamaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in maanta ay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay ku kulmi doonaan Madxweynaha Soomaaliya.

Faroole ayaa tilamaamay in Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ay isku arkeen madaaka Nairobi markii uu ku sii jeeday Madaxweynaha dalka Japan islamarkaana uu u balan qaaday in maanta oo Arbaca ah ay ku kulmi doonaa Nairobi.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay kawada hadli doonaan arrimo dhawr ah oo ku aadan masiirka iyo aayaha Soomaaliya si xal loo helo sida uu hadlaka u dhigay.

Arrimaha ugu waa weyn ee Faroole uu hordhigi doono ayaa ah in Xasan Sheekh uu taageero Axmed Madoobe oo maamulkiisa dowlada Soomaaliya ay ka soo horjeesatay.

Faroole ayaa Nairobi maalmahan u joogay sidii uu dowladda Kenya ugu tartarsiin lahaa sidii ay u laba jibaari laheyd taageerada ay siiso maamulka Axmed Madoobe ee dhawaan la doortay.

SDN-Nairobi

Comments are closed