|

Madaxweyne Faroole iyo Siyaasiga Cade Muuse oo ku Heshiiyay n la taageero go’aanka ka soo baxa guddiga xallinta khilaafaadka {DHAGAYSO}

Garowe 29.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Maxamuud Muuse Xersi (Cadde Muuse) ayaa  sheegay in ay gaareen is faham siyaasadeed oo la xiriira sidii ay dorashooyinka  Puntland ugu qabsoomi lahaayeen si nabad-gelyo ah.

Faroole iyo Cadde Muuse oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay isku raaceen in la taageero go’aanka  ka soo baxa guddiga xallinta khilaafaadka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cadde Muuse ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay amniga magaalada Garoowe, isla markanaa cid kasta oo ku guuleysata madaxtinimada Puntland uu la shaqeyn doono.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa isna sheegay inuu rajeynayo nabadgelyo inay ku dhammaato doorashada, isla markaana kowda bisha Janaayo ee sanadka cusub ay fariistaan mudaneyaasha baarlamaanka.

Nuradiin Aaden Diiriye oo la taliye u ah ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aanka ay gaareen madaxweynaha talada haya ee Puntland iyo madaxweynihii hore Jeneraal Cadde Muuse.

Isfahamka siyaasdeed ee ay gaareen labada masuul ayaa waxaa gacan ka geysatay Qaramada Midoobay.

 

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Faroole iyo Cade Muuse
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/heshiisp.mp3″]
2_27 3_22 6_23 9_16 11_16 12_14 13_12 14_8

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed