|

Madaxweyne Dr.Gaas oo kala dooday shacabka amaanka Gobolka Mudug SAWIRO

Gaalkacayo 09.April 2014 (SDN)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta Gaalkacyo uga qayb galay dood cilmiyeed looga hadlayo xaalada Gobalka Mudug ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in hormarka laga wada shaqeeyo.

Dooda waxaa soo qaban qaabiyay saraakiisha Hay’adda PDRC ee Gobalka Mudug waxana kasoo qayb galay inta badan dadka waxgalka ah ee Gobalka waxana su’aalo dhowr ah Dr.Gaas iyo dowladdiisa laga waydiiyay barnaamijyada uga degsan Gobalka.

Madaxwaynaha Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay socdaalkoodii Gobalka Mudug inuu dhaawac u gaystay dilkii labo sarkaal 7-da bishaan garoonka diyaaradaha loogu gaystay wuxuna tilmaamay inay saamayn ku yeelan karto wada shaqayntii UN-ka iyo Puntland.

”Waxan idin sheegayaa runtii baryahaan Puntland madaxa ayay u saarnayd UN-ka ,aad bay u danaynayeen inay wax ka qabaatn waxan rajaynayaa inaysan saamayn xoogan nagu yeelan arrinta dhacday basle waxay ku xiran tahay sida ammaanka garoonka iyo kan magalada looga shaqeeyo”.

Balse waxa uu rajo ka muujiyay in lasii xoojin karo xiriirka UN-ka iyo Puntland haddii laga shaqeeyo deganaasha iyo hormarka magalada Galkacyo oo sanooyin badan ka oomanayd mashruucyadda khilaaf ka dhex aloosan dadka dega owgiis.

Waxa uu sheegay Gaas inay Gaalkacyo wax ka qaban doonaan waxgaradka iyo dhinacyadda kalena looga baahan inay arrintaasi in la garab istaago.

Arrinta wali uu muranku ka taagan yahay ayaa ah dhismaha gollaha deegaanka Gaalkacyo oo aan lahayn dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxana xayiraad saaray dhaqaalaha mashruuca JPLG oo degmooyin qaar ah lagu hormariyo Gaalkacyo-yana ay ka mid tahay.

Wararka GO soo gaaraya ayaa sheegaya madaxwayne Gaas inuu qorsheeyay in dhamaan xilalka la qaado mamulka Gobalka,kan degmada iyo kan garoonka diyaaradaha ”Cabdilaahi Yuusuf”.

Dhinaca kale ciidanka Gaalkacyo jooga ayaa loo badalayaa deegaanada kale ee gobalka Mudug si is-badal muuqda loogu sameeyay ammaanka Gaalkacyo.

IMG_7265 IMG_7275 IMG_7291 IMG_7388 IMG_7403 IMG_7587 IMG_7658 IMG_7672 IMG_7694 IMG_7699

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed