|

Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay hurinta colaad sokeeye

Garoowe October 19, 2023 (QJ) -Mucaaridka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu isku diyaarinayo colaad ka dhacda magaalada Garoowe, si uu u caburiyo cid kasta oo ka hortimaada qorshihiisa siyaasadeed.

War saxaafadeed ka soo baxay shir ay yeesheen dallada mucaaradka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu hurinayo colaad maxali ah oo la mid ah tii Garoowe ka dhacday bishii June ee la soo dhaafay, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 30 qof.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu ku takri falayo dhaqaalaha dowladda si uu u cabsi geliyo mucaaradka, waxaana ay ka walaacsan yihiin in ciidamada PMPF oo ay taageeraan Imaaraadka in loo adeegsado caburinta mucaaradka.

Madaxweyne Deni, oo ay xilka uga harsan tahay muddo labo bilood ah, ayaa ku adkeysanaya in doorasho hal qof iyo hal cod la qabto.

Xisbiyada siyaasadeed ee taageersan Madaxweyne Deni ayaa hadda shir uga socdaa magaalada Garoowe, waxaana la filayaa in ay ka doodaan mowqifkooda ku aaddan muranka doorashada Puntland.

Comments are closed