Madaxweyne Deni oo ka hadlay xaalada Laascaano
Garoowe January 02, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta magaalada Garoowe kula hadalay saxaafada ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee magaalada Laascaanood iyo arimaha doorashooyinka Puntland.
Madaxweyaha Deni ayaa bulshada faray in Doorashada golayaasha degaan ee qorshan iyo wax ka qabadka xaalada Laascaanood la is barbar wadi doono.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caburinta iyo dilka lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood aan loo dulqaadan Karin, uguna baaqay Bulshada Sool Sanaag iyo Ceyn in ay arinka meel uga soo wada jeestaan.
Madaxweynaha Puntland ma soo bandhigin qorshe ama tilaabooyin ay xukuumadiisu qaadeyso oo wax looga qabanayo xaalada murugeysan ee Laascaanood.