|

Madaxweyne Deni oo aqbalay doorasho qabaail oo ka dhacdda Puntlanad

Garoowe December 06, 2023 (QJ) – Madaxweyne Siciid Deni ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Puntland ay dhaceyso 8-da Janaayo 2024, iyadoo la raacayo hannaankii hore ee doorashada dadban ee 66 xildhibaan oo soo dooranayey madaxweynaha.

Madaxweyne Deni oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay xarunta Madaxtooyada ayuu ku sheegay in doorashadu ay u dhici doonto habkii hore ee 66-ka xildhibaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan raali ka ahayn go’aankaas balse uu u aqbalayo xasiloonida Puntland in la dhawro.

Dhinaca kale xisbiyada Puntland ee taageersan in doorashada lagu qabto doorasho qof iyo cod ah ayaa iyaguna sheegay inay u tanaasuleen xasiloonida iyo nabadda Puntland, ayna taageersan yihiin in 66 xildhibaan doorto madaxweynaha.

Hadalka Deni ayaa iftiimiyay in khilaafkii hanaanka doorashada Puntland oo uu halkaa ku soo afjarmay.

Comments are closed