Madaxweyne Cabdi Weli Gaas iyo Kulamo uu la Yeeshay Madaxda Itoobiya oo uu ku Sugan yahay
Addis ababa 23.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowaladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayey maalintii shalay ahayd gaareen magaalo madaxda Dalka Ethopia ee Addis-Ababa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo weftigiisa masuuliyiin katirsan Dowladda Ethopia iyo Jaaliyada Puntland ee ku nool magaaldaasi.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Saadiq Eenow, Xildhibaan Siciid Lugood iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntaland.
Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa masuuliyiinta Dawlada Ethiopia, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Madaxweynaha oo mudo saddex maalmood ah ku suganaan doona caasimada Dalka Ethiopia ee Addis-Ababa ayaa waxaa uu sidookale la kulmi doonaa Ha’yado caalami ah iyo Ururada Samafalka ee Saldhigoodu yahay Magaalada Addis-Ababa, kuwaasi oo uu kala hadli doono harumarinta arimaha bulshada iyo sidii wax loola qaban lahaa shacabka reer Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa, Jaaliyada Puntland iyo masuuliyiinta Jaaliyada Puntland ee dalkaasi Ethiopa, kuwaasi oo uu uga xogwarami doono xaaldu guud ee Puntland.