|

Madaxweyne Cabdi Cumar Ilay oo Dibada laga dhigay Xisbigiisii Isla markaana la raaciyay Gudoomiyihii Xisbigaas

Diridhaba 15.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shir ay Shalay isugu yimadeen todoba xubnood oo ka mida Guddida fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) xaruntooda Magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa waxay xilkii guddida fulinta kaga qaadeen,Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, Iyo Guddoomiyaha Xisbiga XDHSI Maxamed Rashiid, kadib markii muddooyinkii ugu danbeeyey uu muran soo kala dhexgalay.

Warku waxa uu  intaasi ku daray inuu shirkaa shirguddoominayay Xoghayaha Xisbiga Dumyqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia) ayaa kulankaasi ka akhriyay sababaha keenay xilka qaadista wakhtiga iyo weliba cidda ay ku bedelayaan-ba.

Dhinaca kale, Sida tibaaxayaan wararku maagalada Jigjiga ee dalka Ethiopia ayaa la sheegayaa inay Shalay  shir isugu yimaadeen Golaha dhexe ee XDSHSI, kaas oo socday labadii gelinba, waxaana la sugayaa inay go’aamo ka soo baxaan wakhtiyada soo socda.

ileyDiridhaba SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed