Madaxweyne C.weli Gaas oo Kulan la Qaatay Gudiga Haga Dimuquraadiyada Somalia
Garowe 01.April 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland ayaa maanta Madaxtooyadda kula shiray masuuliyiin ka socda guddiga haga dimoqraadiyadda Somalia ee DSC iyo saraakiil kale oo UNSOM ka tirsan.
Madaxwaynaha Puntland iyo saraakiishan ayaa kulankooda uga hadlay sida Puntland looga caawin karo nidaamka dimoqraadiyada iyo in doorashada danbe noqoto mid dadwaynuhu u dareeraan.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland,Wasiiradda arrimaha gudaha & Dastuurka iyo fedaraalka ayaa ku weheliyay waxana ugu danbayntii go’aan lagu gaaray in Puntland laga saacido sidii dimqoraadiyadda iyo nidaamka mamulka looga caawin lahaa.
Wasiirka Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Sahra Siciid Nuur ayaa sheegtay in Puntland iyo shacabkeeduba ay u diyaarsan yihiin sidii looga dhabayn lahaahir-galinta Nidaamka Axsaabta Badan iyo Dimuqraadiyada si loo gaaro doorasho ku timaada nidaamka loo yaqaano “One Man , One Vote” oo macneheedu yahay Hal-qof , Hal-cod marka la gaaro sanadka 2019.
Guddiga DSC dhankooda ballan qaaday inay Puntland taageeromug weyn kasiin doonaan dardar gelinta barnaamijyada Dimuqradyaynta , isla markaana ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo guda galo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta uu la shiray uga mahad celiyay taageerada wanaagsan ee aydoonayaan inay ku bixiyaan hirgalinta arrimaha dimuqraadiyada sishacabka Puntland ay cokooda ugu doortaan masuuliyiinta dalka hogaamin doonta marka la gaaro sanadka 2019-ka.
Garowe SDN.
Qurbejoog@gmail.com