|

Madaxweyne Biixi oo qiray in uu damacsan yahay mudo kororsi

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay mar uu ka qeyb-galay xaflada qalin-jabinta 410-Sarkaal oo ka baxay kulliyada Tababarka Layli Sarkaal Ee Cabdilaahi Askar sheegay in doorashada madaxweynaha dib loo dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu Ciidamada Qalabka sida ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sannadkan Saddex doorasho oo la qaban doono taasi oo sugida amaankoodu uu saran yahay Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

“Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho saddexdaba Ciidanka qaranku isagaa qeybta ugu weyn qaadanaya, mar waxaad kala ilaalinaysaan dadkaa xamaasadu eryeyso ee marka ay wax doorayaan aad moodo inay dagaalamayaan, caalamku sidaa maaha caadifadeena badan, mar labaad Ciidamada waxaa laga doonayaa inaanu inagu soo dhex dhuuman cadowgeenu oo marka ay ololeyaashu iyo xisbiyadu socdaan uu dhulku nabad ahaado, mar saddexaadka waxaa laydinka rabaa inta cadhootay ee is leh waxbaad waydeen haddana inaad qabataan, waxaa laydinka rabaa inaad goobta laga codaynaayo inaad eegtaan inay cadaaladd u socoto” ayuu yiri Biixi.

Madaxweynaha yaa markii u horeysay qirtay in uu damacsan yahay in uu dib u dhigo doorashada madaxtooyada

“Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka,

Axsaabta mucaaridka Somaliland ayaan ilaa haatan ka jawaabin hadalka ka dhanka ah dimuqraadiyada Somaliland ee ka soo yeeray madaxweynaha.

Hadalka madaxweyne Biixi ee doorasho diidka ah ayaa ku soo beegmaya xili uu safar ugu baxayo dalka Mareykanka oo Somaliland looga amaano hirgelinta nidaamka doorashooyinka.

Comments are closed