|

Madaxweyne Biixi oo Marwo Fowsiya Aadan dhaleeceeyay

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xilal u doontaan Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeedinayey xaflad ka dhacday Jaamacada Hargeysa oo ku saabsaneyd barashada dastuurka ayaa si gaar ah u duray musharaxada ka soo jeeda Somaliland ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Fowsiya Xaaji Aadan oo ah gabadha kaliya ee musharaxiinta ku jirta,

Muuse Biixi ayaa maanta maanta qiray in Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan ay iyadu aasaastay Jaamacada Hargeisa oo hore xisbiga Kulmiye hore u dafiray.

“Kuwa Somaliland ee ay kamidyihiin kuwii jaamacadan xaadh xaadhay, ee aas aaskeeda lahaa, ee aabahood tacliinta ku suntanyahay, ee intuu kaligii Xamar tagay leh madaxweyne ayaa la ii dooranaya anu miyir qab uma arko”. ayuu yiri Biihi.

La tirsiga Madaxweynaha Somaliland ee Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa loo arkaa mid sawir ka bixinaya bartilmaansiga shakhsiyaadka beelaha qaar, halka kuwa ay isku beesha yihiin ee Xamar Jooga aan weli afkiisa laga maqal.

Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa ku soo beegmaya xili uu isagu ka cago jiidayo qabashada doorashooyinka madaxweynaha Somaliland, tilaabadaas oo ay mucaaridku ku tilmaameen keligii talisnimo.

Comments are closed