|

Madaxweyne Biixi oo go’aan ka gaadhaya dadkii xidhnaa

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Arbacada maanta kusoo laabtay magaalada Hargeysa kadib safar uu ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo uu weji gabax kala kulmay taageerada dhanka dadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la arkay kiyoo xidhan jaakada rasaasta la isaga dhigo, taas oo sawir ka bixisay shakhsiyadiisa iyo amaanka Caarigaabo.

Muuse Biixi wuxuu imika si degdeg ah ula kulmayaa ergada iskeed isku xilqaantay ee dhex dhexaadinaysa mucaaradka iyo xukuumadda, iyadoo lasii anba qaadi doono dedaalada sii-daynta dadka ka xidhan mucaaradka.

Ka hor intii aanu bixin, wuxuu Biixi dalbaday in la sugo inta ka imanayo Ceerigaabo si loosii daayo masuuliyiin ay ka mid yihiin Axmed Xamarji, gudoomiye ku xigeenka Waddani iyo wasiir hore Cabdilaahi Cukuse.

Mucaaradka ayaa iyagu dalbaday in si dhakhso ah loosii daayo masuuliyiinta ka xidhan, kadib markii ay aqbaleen hakinta dibad baxyadii.

Comments are closed