|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga ka jaray Wado isku xidhaysa qaybo ka mid ah Caasimada Hargaysa

 

Hargaysa 29.Dec (SDN)

Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo Cusub oo  laami ah oo Xidhiidhinaysa  Xaafadaha Sh,Nuur, Daami,iyo Suuqa Dhexe ee Caasimadda ,Waxaa kale oo Madaxweynuhu  dhagax dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga dhisi  doono Xaafadda Daami.

Madaxweynaha Somaliland Waxa uu soo dhawayn xamaasadi ku dheehan tahay kala kulmay Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Xaafada Daami Munaasabad kooban oo ka dhacday goobta laga dhisi doono saldhiga Booliska ayaa waxaa ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi isla markaana Sheegay in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyey ee soo booqda xaafadda Daami,  Isla markaana laamida maanta xadhiga laga jaray ay tahay tii  horaysay  ee  xaafaddaas laga hirgeliyo.

La taliyuhu wuxuu amaan u diray  shirkadda ganacsiga ee Al-Nuur  oo sida  uu Sheegay  bixinaysa dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha saldhiga cusub ee xaafadda Daami, waxuuna intaa raaciyey in cabashadii xaafadda Daami ka jirtay ay halkaa ku soo dhamaatay Isla markaana ay Xukuumadu ka dhabaysay  ballanqaadadii xisbiga Kulmiye ee Horumarinta Xaafadan.

Madaxweynaha Somaliland oo Socdaalkiisa uu ku tagay  xaafadda Daami ay ku weheliyeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha iyo Madaxtooyada iyo taliyayaasha sare ee ciidamada Booliska iyo Asluubta waax ay  kulan la Qaateen dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee caasimadda hargaysa, iyadoo ay halkaas ku soo Dhaweeyeen  dhoweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin  Gudoomiyaha Degmadaasi Saleebaan samatar Ibraahin iyo afhayeenka gudida horumarinta degmada Gacan Libaax, Maxamed Muuse Habbane.

Maayarka Xiligiisu dhamaadka yahay ee Caasimada Hargaysa Eng Xuseen Maxamud Jiciir ayaa tilmaamay waxqabadyada dhinacyada badan leh ee dawlada hoose u hirgalay waxaanu xusay in Mudooyinkii u danbeeyay ay dhamaystireen ku dhawaad Konton laami oo ay ka hirgaliyeen Caasimada Hargaysa kuwaas oo uu sheegay inay iska kaashadeen Dawlada Hoose iyo Gudiyada Xaafadaha Caasimada Hargaysa, Mudane Jiciir waxa uu xusay oo kale inay hada dawlada hoose ku hawlan tahay Wadooyin dhawr oo ay gacanta ku hayso dhamaystirkooda.

Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey Dadweynaha xaafadda Sh Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu farxay sida ay dadweynaha xaafaddu isu abaabuleen ugana shaqeeyeen danta caamka ah, halka sidoo kalena Madaxweynuhu sheegay in dhamaystirka wadadani ay waxtar weyn u tahay xaafadda Sh Nuur, iyo caasimadda Hargaysaba iyo guud ahaan dalka JSL.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan buuxda la dhinac istaagto dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee go’aansaday inay danahooda horumariyaan, waxuuna madaxweynahu munaasabadaasi si weyn ugu mahadceliyey Mayorkii iyo maamulka Dawlada hoose,gaar ahaan  sida ay  xilka isaga saareen horumarinta waddoyinka caasimadda.

 

 

Hargaysa SDN

 

 

 

 

 

Comments are closed