|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Todobaadkan Safar ku soo Mari doona Gobolada dalka,Mashaariic uu Xadhiga ka Jarayo

Hargaysa 10.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Todobaadkan Waxa uu Safar ku soo Mari doonaa inta badan Gobolada dalka.

Sida ay Shabakada Qurbejoog.com u Xaqiijiyeen Mas’uuli Sare oo ka Tirsan Qasriga Madaxtooyada balse ka gaabsaday in Magaciisa la shaaciyo Waxa uu Madaxweynuhu Lugta Socdaalkiisa ka bilaabi doonaa Gobolka Salal oo aanu Indhaha Saarin Mudada Afarta Sanno ah ee uu hogaaminta Qaranka hayay,Isla markaana ka mid ah Gobolada Tabashooyinka badan ka tirsanaya Xukuumada uu Gadh wadeenka ka yahay.

Ujeedada ugu Weyn ee Kormeerka Madaxweyne Siilaanyo Xambaarsan yahay ayaa ku qotonta ka qayb galka Bilowga Dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco oo Qalabkii loogu talo galay  la rajaynayo inay Gaadhaan Deegaan u dhow Magaalada Ceerigaabo Maalmaha Soo Socda, Halkaas oo laga Soo Bilaabi doono Boqolka Km ee Wejiga Kowaad ee Dhismaha Wadadaas.

burco siilaanyoWasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa dhawr jeer ku cel celiyey in ay Somaliland dhisi doonto Jidkaasi, isagoo xusay haddii la isku tashado in laga midho dhalin karo wixii loo kaco, waxaanu qorshihiisa socdaa yahay sidii uu riyadiisaas uga dhabayn lahaa.

Wasiir Xirsi waxa uu gabo gabo marinayaa jidka isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale oo muddo badan lagu dhici la’aa kaasoo kaabiga u saaran magaaladda Wajaale oo ah xarun ganacsi oo Somaliland muhiimad gaar ah ugu fadhida, taasoo lagala kulmi jiray rafaad balaadhan.

Sidoo kale, Xukuumadda iyo Dadweynaha Reer Awdal ayaa dhamaystiray jidka Dilla illaa Borama kaasoo Reer Awdal dhibaato ba’an ku hayn jiray.

Geesta kale Sida ay Ilo lagu Kalsoon yahay noo Xaqiijiyeen Safarka Madaxweynaha Somaliland kama Madhna Olole Siyaasadeed oo uu Taageero kaga Kasbanayo Qaybo ka Mid ah Bulshada Somaliland oo aan la dhacsanayn hanaanka uu dalka ku hagayo isla markaana ay Mucaaridadi kaga Furantay.

Wixii Warar ah ee Ka Soo Kordha Safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala Soco Shabakada Qurbejoog.com

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed