|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Tacsi u diray Caaqil Maanta Ku Geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Sheekh Dhexdooda

Hargaysa 20.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Boqorada, Isimada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacabka Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida Naxdinta leh ee ku timid CAAQIL CABDI CAAQIL MAXAMED CAAQIL CIGAAL kuna magac dheeraa Inna Hadoodil oo 20.03.2014 maanta ku geeriyooday Shil-baabuur oo ka dhacay agagaarka Hudisa oo u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, isaga oo marxuumku ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qaybgalay soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland.

 

siilaanyo-2Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay Caaqilkan masuul qaran oo ka baxay Somaliland kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana Xilka Caaqilnimada ka mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ugu faca-weyn Somaliland, ka awoow ka awoow soo hayey caaqilnimada, uu maanta isaga oo haya la geriyooday.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku isaga oo alle uga baryaaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed