|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maraykan Heshiis Shiidaal kula saxeexday Shirkad Norwegian ah

Washington April 23,2013(SDN)-shirkadda DNO International (‘DNO International’) oo ah shirkad soo saarta Saliida iyo Gaasta ayaa shalay ku dhawaaqday in ay Somaliland la saxeexatay Heshiis ah in ay Shiidaala ka soo saarto Ceelka Block 18 ee saran Xeebta.

Heshiiska labada dhinac wada galeen waxa Somaliland u saxeexay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo halka dhinaca Shirkadda Norwegianka ahna uu uga saxeexay Guddoomiyaha fulinta Mr Bijan Mossavar-Rahmani, taasoo ka dhacday magaaladda Washigton D.C.

Mr Mossavar-rahmaani waxa uiu sheegay Somaliland inay dhacdo Juquraafi ahaan meel ku haboon deegaanka kambaniyad iyo Macdanaha waxaanu sheegay Block ay heshiiska kula galeen in uu yahay 12,000 Square Kilomter.

Madaxa Shirkadda Norwegian ahi waxa uu intaas raaciyay in ay ilaa sagaashamaadkii ka shaqayn jireen Cadan , isagoo sheegay in Block 18 ee Somaliland ay ka bilaabi doonaan 2014-ka sahan ka nooca loo yaqaano Siesmic.

Shirkadda DNO International waxa ay ka diwwangasahan tahay Oslo, waxaanay diirada saartaa Barriga dhexe iyo Waqooyiga Afrika, waxaanay haysataa ceelasha sided iyo toban goobood oo ah Xeebaha Ciraaq ee Gobolka Kurdiyiinta. Yemen, Saldanada Cumaan, Imaaraadka Carabta, Tunisia iyo Somaliland”

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed