Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Wadanka Holland
Hargaysa 21.Aug 2013 (SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Safiirka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Joost Reintjest oo Booqasho ku Yimid dalka.
Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland,Wasiirada Arrimaha Dibada,Gudaha, Macdanta iyo Tamarta.
Markii Kulanku dhamaaday waxaa si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Joost Reintjest iyagoo ka war bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac kulankan ku lafo gureen.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay ka wada hadleen weftiga Holland iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarka iyo Maalgashi ay ku sameeyaan Somaliland waxaanu Xusay inay dawlada Holland ka codsadeen sidii ay deeq Waxbarasho ugu fidin lahayd ardayda Somaliland.
Safiirka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Joost Reintjest oo hadal kooban halkaasi ka Jeediyay ayaa tilmaamay inay ka wada hadleen Xukuumada Somaliland Sidii loo samayn lahaa Isku Xidhka labada dal,isagoo intaas ku daray inay ka hawl geli doonaan dalabka ku saabsan deeqaha waxbarasho ee Somaliland u baahan tahay.
Hargaysa SDN.