Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Laba Sanno oo Mudo Kordhin ah u Sameeyay Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta qaranka
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne oo uu caawa soo saaray waxa uu muddo xileedkoodii u cusboonaysiiyay Gudiga diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo muddo xileedkoodii dhammaaday maalmo ka hor.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu digreetadiisa ku sheegay inuu laba sanadood oo kale u cusboonaysiiyay muddo xileedkii Guddiga diiwaan gelinta, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.
Markuu Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.
Markuu Ogaaday: In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.
Markuu Arkay: In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;
Wuxuu go’aansaday
In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com